Raysal wasaare Xamse oo dalka Tansaaniya kaga qeyb galaya shir muhiim ah

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Magaalada Daarusalaam ee Dalka Tanzania si uu uga qaybgalo ‘Shir madaxeedka horumarinta Karaanka Aadanaha ee Afrika’.

Madaxda ka qaybgaleysa shirka ayaa diiradda saaraya ajendaha iyada oo mas’uuliyiintu soo bandhigi doonaan qaabka ugu habboon ee looga hortagi karo dhibaatooyinka jira, wadashaqeyntooda & sida looga hortagi karo.

Qorshaha Qaaradda Afrika oo ah Horumarinta ayay Madaxdu dood ka yeelan doonaan mudnaan gaar ah in la siiyo sidii wadajir ay ugu wadashaqeyn lahaayeen mas’uuliyiinta lagu martiqaaday shirkaan.

Inta uu shirka socdo waxaa kulamo doceedyo qaadanaya madaxda iyo Wasiirrada ka socda oo fursado u heli doonna in ay kala xog-qaataan oo ay uga wada hadlaan xoojinta xiriirka ay wadaagaan mas’uuliyiintaan kulmeysa.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre waxaa safarka ku wehliya Wasiirka Caafimaadka & Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka, Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare iyo mas’uuliyiin kale.

La soco wixii kasoo kordha.

SHARE

LEAVE A REPLY