Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre “Reer Hiiraan waa astaan Soomaalida ugu calaamadeysan geesinimada”

0

Raysal wasaaraha Xukuumada Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa magaalada Baledweyne kaga dhawaaqay in Xukuumadiisa ay si deg deg ah ku keeneyso gargaar isugu jira Raashin, Dawooyin Caafimaad, Dhaqaatiir, qodista Ceel Biyoodyo, Biyo dhaamin loo sameynayo ciidanka xoogga dalka iyo waliba taageerada kale ay u baahan yihiin dadka deegaanka.

Raysal wasaare Xamse ayaa sheegay in Xukuumadiisa talaabada ugu horeyso ay qaadeyso iney tahay in raashiin la gaarsiiyo ilaa 20 kun oo qofood si ay ugu dabaraan noloshooda, maadaama ay ku jiraan dagaalada xoogan ee ka socda deegaanada gobolka Hiiraan ay kaga sugan yihiin Al-shabaab.

“Xukuumadda Danqaran iyada oo ka jawaabeysa howlgalada oo caddeyneysa in ay garab taagan tahay reer Hiiraan waxa ay marka 1-aad ku dhaqaaqday oo ay diyaar la tahay ilaa 20 kun oo qof raashin ku filan, si deg deg ah ayayna usoo gaareysaa, biyaha waxaan hirgelineynaa 3 Ceel oo laba ka mid ah yihiin Ceel Riiga, Dhaqaatiir iyo shaqaale Caafimaad oo la socon doonna Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Dulmidiid, reer Hiiraan waa astaan Soomaalida ugu calaamadeysan geesinimada” ayuu yiri Raysal wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Xamse Cabdi Barre ayaa maamul goboleedyada dalka ugu baaqay iney garab istaag u muujiyaan dadka reer Hiiraan ee ku jira dagaalada ka dhanka ah Al-shabaab, isagoo tilmaamay in wadajir looga gaari karo guulo muhiim ah.

“Haddii ay dhab ka tahay Dadka Soomaaliyeed in Argagixisada lala dagaalamo waa in ay Baladweyne yimaadaan, Bulshada rayidka, dowlad goboleedyada dhamaan waa in ay garab istaagaan reer Hiiraan, waa in loo gurmadaa oo la garab istaagga Magaalada Baladweyne iyo Shacabka Hiiraan, hadii Muslinnimo, Soomaalinimo ay jirto” Raysal wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre.

Wuxuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Raysal wasaaraha in shacabka reer Hiiraan looga baahan yahay ineysan ka niyad jabin ficilada Shabaab ee ku beegsanayaan bulshada rayidka ah oo uu sheegay iney tahay mid naf la caarinimo ah oo ay doonayaan iney ku cabsi galiyaan shacabka gessiyaasha ah ee ka hortagay dhibaatadooda.

Hadalkaan ayuu raysal wasaaraha Soomaaliya ka sheegay Baledweyne xili uu Shalay booqashadiisi labaad mudo laba bilood gudahood ah uu ku tagay magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

SHARE

LEAVE A REPLY