Raysal wasaaraha Soomaaliya oo Maanta daahfuray Xafiiska Garmaqalka Dadweynaha

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre,oo kormeer ku tagey xarunta Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka, ayaa daah furay Xafiiska Garmaqalka Dadweynaha.

Xafiiska Garmaqalka Dadweynaha, ayaa shaqadiisu tahay qabashada cabashooyinka dadweynaha ee ku saabsan xadgudubyada ay galaan ciidamada NISA ee ka dhanka ah xuquuqda iyo xorriyaadka aas’aasiga ah ee muwaadiniinta, iyadoo dadweynaha Soomaaliyeed ay si toos ah u soo wici karaan xafiiskan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku ammaanay Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirodoonka Qaranka hirgelinta Xafiiska Garmaqalka Dadweynaha oo ah mid sii adkaynaya kalsoonida ay shacabka Soomaaliyeed ku qabeen hay’adda.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sheegay in horumar la taaban karo ay ku tallaabsatay hay’addu sannadihii dhawaa, waxuuna kula dardaarmay hoggaannada kala duwan ee hay’adda in ay sii xoojiyaan dadaalkooda ku aaddan kor-u-qaadidda amniga Qaranka.

SHARE

LEAVE A REPLY