Raysal wasaaraha Soomaaliya oo amar culus duldhigay Agaasimayaasha Wasaaraddaha

0

Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo Maanta kulan la qaatay Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha dowladda Soomaaliya ayaa faray ilaalinta waqtiga shaqada dowladda ee shaqaalaha.

Wuxuu sidoo kale faray agaasime walba in laga rabo kormeer joogta ah inuu ku sameeyo howlwadeenada Wasaaradda uu Agaasimaha ka yahay, islamaraakana uu soo gudbiyo cidii aan gudan waajibaadka ay u hayaan qaranka Soomaaliyeed.

“Xukuumadda Dan Qaran waxaa loo idmaday barnaamij ka kooban lix tiir oo ay horgeysay baarlamaanka iyo balanqaadkii ka danbeeyey ee aan kala saxiixanay wasiirrada, cidda fulintiisa laga sugayo waxaa ugu horreeya idinka, maadaama arrimaha maamulka aad madax ka tihiin, waxqabad natiijo leh ayaan idinka sugaynaa” ayuu yiri Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre.

Raysal wasaaraha Xamse oo sidoo kale ka hadlay ahmiyadda Agasimayaasha guud u leeyihiin howlaha fulinta shaqada dowladda Soomaaliya ayaa ku adkeeyay Agaasimayaasha in shaqada la soo galo xili hore, si bulshada Soomaaliyeed loogu adeego xiliga ugu haboon.

Xamse Cabdi Barre ayaa ugu dambeyntii kula dardaarmay Agaasimeyaasha guud iney si hufan oo caddaalad ah kula dhaqmaan howlwadeenada ay madaxda u yihiin, islamar ahaantaana ay kasoo dhalaalaan shaqooyinka ay dalka u hayaan.

Amarkaan kasoo baxay Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa imaanaya, iyadoo uu dhawaan uu shaaciyay in Xukuumaddiisa ay ka shaqeyn doonto ciribtirka Musuqmaasuqa xili uu ka hadlaayay munaaaabad lagu xusaayay maalinta Musuqmaasuqa.

SHARE

LEAVE A REPLY