Raysal wasaaraha oo magacaabay guddi ka shaqeeya soo celinta hantida dowladda

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta magacaabay Guddiga Tira-koobka, Soo Celinta, Qiimeynta iyo ka Talo-Bixinta Nidaaminta Hantida Qaranka.

Magacaabista uu sameeyay Wasiirka koowaad ee Xukuumadda ayaa waxaa ay dabacasoctaa qaraarkii ay soo saareyn Golaha Wasiirrada kaas oo ku saabsanaa Adkaynta Hufnaanta Maaraynta Maaliyadda Dalka oo ka kooban 8 qodob oo saldhiggiisu yahay Maaraynta Maaliyadda Guud ee Dalka, Maaraynta Dakhliga Dalka, Iibka iyo Qandaraaska Qaranka, Maareynta Hantida Guud ee Qaranka iyo Maamulka iyo Maaraynta Shaqaalaha.

Afhayeen Xukuumadda Farhaan Jicmaale oo la wadaagay magacyada guddigaan ayaa waxa ay ka kooban yihiin 8 ruux oo intooda ugu badan ay ka yimaadeen Golaha Wasiirrada.

Magacyada Guddiga Tira-koobka, Soo Celinta, Qiimeynta iyo ka Talo-Bixinta Nidaaminta Hantida Qaranka ayaa kala ah:

Abshir Cumar Jaamaca Huruuse, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibadda.

Dr Cilmi Maxamuud Nuur, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda.

Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cali, Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga.

Ismaaciil Cabdiraxmaan Sheekh Bashiir, Wasiirka Wasaaradda Hawlaha guud.

Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Dr Cismaan Cilmi Guuleed, garyaqaanka guud ee Qaranka.

Abshir Maxamed Axmed (Buqaari) Wasiiru dowlaha Madaxtooyada.

Xirsi Jaamac Gaani, Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.
Guddigaan ayaa waxa ay ka shaqeen doonaan:

Tirakoobka Hantida hay’adaha dowladda sida Wasaaradaha, Hay’adaha madaxa bannaan ee Dowladda iyo dowladaha hoose.

Soo celinta Hantida Qaranka ee sida sharci darrada ah loo heysto.

Qiimeynta Xaaladaha ay ku sugan yihiin Hantida Qaran ee la tirakoobay.

Ka soo tala bixinta, nidaaminta hantida Qaranka ee la soo celiyay iyo sida ugu habboon ee loo adeegsanaayo ugu adeegidda Bulshada.
U soo gudbinta Ra’iisul Wasaaraha warbixinta dhameystiran ee geedi socodka soo celinta Hantida Qaranka.

SHARE

LEAVE A REPLY