Rag miino ku aasaayay duuleedka Baledweyne oo gacanta lagu dhigay

0

Ciidanka ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Maamulka Hirshabeelle ayaa maanta gacanta ku soo dhigay Nin la sheegay inuu waxyaabo qarxa ku aasayay wadada xiririsa magaaloyinka Beledweyne iyo Matabaan ee Gobolka Hiiraan.

Ciidamada Amniga ayaa ku guulleystay in gacanta ku dhigaan ninka oo qalabka qarxa gelinayay wadada marta deegaanka Bacda ee waqooyiga Hiiraan, kadib markii sida la sheegay ciidanka lagu wargeliyay falka uu Ninka sameeynayay.

Saraakiisha dowladda Federaalka iyo kuwa Hirshabeelle ee ku sugan Baladweyne ayaa waxaa ay sheegeen in Ninka la qabtay lagu xiray Saldhiga Booliska magaalada, halkaasi oo uu ku wajahayo baaritaano dheeri ah oo lagu sameeynayo.

“Ciidamada Ammaanka oo kaashanaya Shacabka Soomaaliyeed ayaa markasta ka hortaga falalka amni darro ee Al-shabaab doonayaan inay ka geystaan gudaha deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan ee Hirshabeelle” ayaa lagu yiri Qoraal lagu daabacay Warbaahinta dowladda.

Si kastaba, Qaraxyo isugu jiray miinooyin iyo kuwa loo adeegsaday gaadiid laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ayaa ka dhacay magaalooyinka Baladweyne iyo Matabaan ee Gobolka Hiiraan, waxaana qaraxyadaas ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac.

SHARE

LEAVE A REPLY