Rag kaarar been abuur ah ku dhacaayay Barakacayaasha Muqdisho oo gacanta lagu dhigay

0

Ciidamada Booliiska Saldhiga degmada Dharkeenleey ee gobolka Banaadir ayaa gacanta kuso dhigay rag burcad ah oo kaarar been abuur ah ku dhacaayay dadka barakacayaasha ah ee ku nool duuleedka magaalada Muqdisho.

Ragaan ay gacanta kusoo dhigeen Booliiska degmada Dharkeenleey oo ah sadax ruux ayaa war qoraal ah oo kasoo baxay Taliska Booliiska gobolka Banaadir lagu sheegay iney dadka barakacayaasha u sheegayeen iney ka socdaan hay’adda ka shaqeeya arrimaha gargaarka.

Sadaxdaan nin ayaa la sheegay in qoysaska barakacayaasha ah qoyskiiba ay ka qaadayeen lacag dhan $10 doolar, islamarkaana ay siinayeen kaarar been abuur ah ay ugu sheegayeen iney ku qaadan doonaan lacago ama raashiin.

Ragaan burcada ah ayaa lagu xiray Saldhiga degmada ciidamada Booliiska degmada Dharkeenleey ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo la sheegay in lasoo taagi doono Maxkamad.

Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya waxaa mudooyinkii dambe kusoo kordhaayay burcada sida xirfadeysan u dhacda ganacsatada iyo shacabka Soomaaliyeed.

SHARE

LEAVE A REPLY