Quburada dhanka amniga oo ka digay adeegsiga Alshabaab ee diyaaradaha Droneska

0

Kornayl David Peddle oo ah sarkaal howlgab ah oo horay uga tirsanaan jiray ciidamada milateriga ee dalalka Koonfur Afrika iyo Ingiriiska ayaa xaqiijiyay in kooxda Al Shabaab ay si aad ah u adeegsadaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaanno Drones.
Sarkaalkan ayaa ka digay adeegsiga tignoolajiyada cusub inay Alshabaab si gaar ah uga faa’iideystan si ay u fududeeyaan weeraradooda iyo hannaankooda sirdoonka.
Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Alshabaab gacanta ugu jira ayaa laga yaabaa in laga xaday kaydka ciidamada dalka Kenya.
Warbaahinta Al-Shabaab ayaa horey u sheegtay in kooxdu ay adeegsatay diyaarad aan duuliye lahayn si ay u duubto weerarkii ay ku qaadeen saldhigga Manda Bay ee dalka Kenya.
Bishii Nofeembar 2021, hay’adda sirdoonka Soomaaliya; Saraakiisha Hay’adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), ayaa waxay gacanta ku soo dhigeen 6 diyaaradood oo nooca Drones-ka ah, oo uu lahaa Xildhibaan Zakariye oo katirsanaa barlamaankii hore.
Hay’addaha amniga ayaa sheegay in diyaaradaha la qabtay ay qaadi kareen in ka badan 30 Kiilogaram, waxaana ay la wadaageen wax la mid ah weerarrada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee fuliyeen Daacish iyo PKK.

SHARE

LEAVE A REPLY