Qoysas ku dhex go’doonsan xaafado ka tirsan magaalada Baledweyne

0

Biyaha wabiga Shabeelle ee dhexmara gudaha magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa si rasmi ah u kala jaray isku socodka guud ahaan xaafadaha magaalada Baledweyne.

Wabiga Shabeelle ayaa saqdii dhexe ee habeen hore karkaarada ka jabsaday qaar ka mid ah xaafadaha Baledweyne, kaasoo sababay iney guryahooda ka barakacaan boqolaal qoys oo ay biyuhu halakeeyeen guryahooda.

Xaafadaha Kooshin, Xaawa taako, Howlwadaag, Buundaweyn iyo Wadooyinka ugu muhiimsan isku socodka Baledweyne ayaa waxaa Maanta dhex ceegaaga biyo joogoodu meelaha qaar ay gaarayaan 2 Mitir, kuwaas oo waliba si xoog badan u qulqulaya.

Inta badan dadkii degana afarta xaafadood ee Baledweyne ayaa u barakacay xaafada Ceel jaalle ee duuleedka magaalada Baledweyne oo ah xaafad aysan gaarin biyaha wabiga Shabeelle oo mar walba uu wabiga fatahaad sameeyo loo barakaco.

Waxaa jira qoysas badan oo rajo weyn ka qabay in laga baaqsan doono inuu fatahaad sameeyo wabiga Shabeelle, kuwaas oo haatan go’doon ku ah xaafado ay ka mid yihiin Kooshin iyo Howlwadaag, kadib markii biyaha ka jareen dhameen wadooyinkii ay ku baxi lahayeen.

SHARE

LEAVE A REPLY