Qaraxyo waa weyn oo gilgilay magaalooyinka Jalalaqsi iyo Buulaburte

0

Wararka ka imaanaya degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi ay ka dhaceen laba qarax oo Ismiidaamin ah oo jugtooda laga maqlay guud ahaan xaafadaha magaaladaasi.

Labada qarax oo ahaa kuwa loo adeegsaday baabuur laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa ahaa kuwa is xigxigay oo daqiiqado kooban ay u dhaxeeyeen, waxaana qaraxa koowaad la sheegay inuu ka dhacay afaafka hore ee Buundada degmada Jalalaqsi oo ay fariisin ku leeyihiin ciidanka dowladda iyo kuwa Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka ATMIS.

Qaraxa labaad ayaa lasoo warinayaa inuu ka dhacay goob ay ku sugnayeen dad badan oo shacab ah, waxaana la tilmaamay in askar wadada mareysay ay rasaaseeyeen gaariga qaraxa ku rarnaa, dabadeedna uu qarxay.

Inta la xaqiijiyay qaraxyadaan is xigxigay ayaa waxaa ku dhintay 2 qof, waxaana ku dhawaacmay 5 ruux oo kale, mana jirto wax faahfaahin ah oo kasoo baxay dhanka laamaha amaanka iyo maamulka degmada Jalalaqsi oo ku aadan khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxyadaan Ismiidaaminta ah.

Dhinaca kale wararka imaanaya degmada Buulaburte ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in qarax xoogan oo khasaare kala duwan geystay uu ka dhacay gudaha degmadaasi, lamana oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxaasi.

Isgaarsiinta degmada Buulaburte ayaa hawada ka maqan oo lama ogaan karo khasaaraha ka dhashay qaraxa iyo nooca uu ahaa, hayeeshe waxaa la tilmaamay inuu qaraxa ahaa mid aad u xoogan oo jugtiisa laga maqlay deegaano ka fog degmada Buulaburte.

Degmooyinka Buulaburte iyo Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan waxaa horay uga dhacay sidaan oo kale qaraxyo Ismiidaamin ahaa oo isku waqti ka dhacay labada degmo, waxaana qaraxyadaasi dadkii ku dhintay ka mid ahaa Allah u naxariiste guddoomiyahii degmada Jalalaqsi Maxamed Nuur Cagajoof Dabaashe.

Lasoco wixii kusoo kordha wararkan.

SHARE

LEAVE A REPLY