Qaraxyo Ismiidaamin oo ka dhacay Xerada ciidanka Itoobiya ee Dooloow

0

Qaraxyo ismiidaamin ah ayaa saakay lagu qaaday xero ay leeyihiin ciidamada milatariga Itoobiya oo kutaalla degmada Doolow ee gobolka Gedo, waxaana weerarkan ka dhashay khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

War kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in labo qarax oo loo adeegsaday baabuur waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ku weerareen xerada ciidamada Itoobiya ku leeyihiin degmada Doolow.

Al Shabaab ayaa sheegtay in weerarka koobaad ay la beegsadeen halka taliska u aheyd ciidamada Itoobiya ee jooga Doolow, waxa ayna Al Shabaab sheegeen in goobtaasi joogeen saraakiil katirsan milatariga Itoobiya.

Warka kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in qaraxa labaad oo isna loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay la beegsadeen keydka hubka iyo rasaasta u yaaleen ciidamada Itoobiya.

Ma sheegin Al Shabaab khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay weerarkan ay ku qaadeen xerada ciidamada Itoobiya ku leeyihiin Doolow, waxaana warar aan helnay sheegayaan in ay jiraan khasaarooyin dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay qaraxyada.

Weerarkan Al Shabaab ku qaadeen xerada ciidamada Itoobiya ayaa kusoo aadaya, xilli maalmo kahor Al Shabaab weerar ay ku laayeen askar badan oo katirsan ATMIS ,gaar ahaan kuwa kasoo jeeda Uganda ku qaadeen saldhig kuyaalla deegaanka Buulamaree

SHARE

LEAVE A REPLY