Qarax khasaare geystay oo goordhaw qabsaday gaari shacab ah

0

Dad badan oo shacab ah ayaa ku geeriyooday Qarax miino oo kooxaha argagixisada ah ay kula beegsadeen deegaanka Xaawo cabdi ee gobolka Shabeellada hoose.

Ugu yaraan 6 ruux oo ilma yar ay ku jiraan ayaa ku naf waayay qaraxaas bahalnimada ah oo haleelay Gaari qudaar usoo siday magaalada Muqdisho.

Cadowga Khawaarijta ayaa caadeystay beegsiga dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan, waxaana maanta ay ku beegsan tahay qaraxii ay shacabkii ugu badnaa ku xasuuqeen ee 14 October oo maanta 5 sano laga joogo.

SHARE

LEAVE A REPLY