Qarax khasaare badan geystay oo ka dhacay Muqdisho

0

Qarax dhaliyay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhacay laamiga aada xaafada Daarusalaam ee magaalada Muqdisho, waxaana qaraxan ka dhashay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sida aan wararka ku helnay qaraxan oo ahaa miino nuuca hareeraha wadada la dhigo ayaa la kacay gaari nuuca dagaalka ee Cabdi Bilaha loo yaqaan oo ay wateen askar katirsan ciidanka milatariga Soomaaliya .

Inta la xaqiijiyay qaraxan waxaa ku dhintay shan askari oo kamid ahaa ciidankii la socday gaariga la qarxiyay, waxaa sidoo kale qaraxan ku dhintay saddex qof oo shacab ah oo ka agdhawaa goobta uu qaraxu ka dhacay, halka tiro kalana ay ku dhaawacmeen.

Gaariga qaraxa miino lala eegtay ayaa la sheegay in uu marayay halka loo yaaqaan suuqa Jayga oo ah waddo aada deegaanka Daarusalaam, waxaana goobta uu qaraxu ka dhacay soo gaaray ciidamo katirsan dowladda oo halkaasi baaritaano ka sameeyay.

SHARE

LEAVE A REPLY