Qarax ka dhacay agagaarka KM4 oo geystay khasaare kala duwan

0

Qarax jugtiisa si weyn looga  maqlay qeybo kamid  magaalada Muqdisho ayaa goordhaw ka dhacay agagaarka Isgoyska KM4 , waxaana qaraxan la sheegay in ay ka dhasheen khasaaro kala duwan.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhax dhacay mid kamid ah gaadiidkii ay wateen ciidamada nabad ilaalinta jooga Soomaaliya ee ATMIS, halka warar kalana sheegayaan in qaraxa suurto gal tahay in uu ahaa miino hareeraha waddada la dhigay.

Kolonyada gaadiidka ciidamada ATMIS ee qaraxa ka dhax dhacay ayaa ka yimid dhinaca laamiga Tarabuunka , waxa ayna marayeen xilliga qaraxa dhacayay agagaarka isgooska KM-4 ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa kaddib ayaa ciidamada ATMIS waxa ay fureen rasaas xooggan oo qal qal badan galisay dadkii ku sugnaa isgooska KM-4 iyo hareeraheeda, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in qaraxa iyo rasaasta ay fureen ciidanka ATMIS.

Laamaha ammaanka Soomaaliya ayaan wali faah faahin badan ka bixin qaraxan goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho waxa uu ahaa iyo sidoo kale khasaaraha ka dhashay, taliska ATMIS ayaan dhankooda sidoo kale ka hadlin qaraxan.

SHARE

LEAVE A REPLY