Qarax Ismiidaamin ah oo goordhaw ka dhacay Muqdisho

0

Qarax ismiidaamin ah ayaa goordhaw ka dhacay xerada ciidamada ee Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho, waxaana qaraxan fuliyay sida aan wararka ku helnay qof waxyaabaha qarxa isku soo xiray.

Ninka ismiidaamiyay ayaa la sheegay in uu isku dhax qarxiyay ciidamo isku dhaf ah oo lagu xareenayay xerada ciidamada ku xareesan yihiin ee Kuliyaddii hore ee Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu soo waramayaa in qaraxa uu ka dhashay, waxaana halkaasi laga qaaday askar waxyeelo xooggan uu kasoo gaaray qaraxa.

Ciidamada milatariga Soomaaliya ayaa xiray aagga uu qaraxa ka dhacay, waxa ayna ciidamada halkaasi ka wadaan baaritaano, mana jiro ilaa hadda faah faahino badan ay laamaha ammaanka ka bixiyeen qaraxan dhacay.

SHARE

LEAVE A REPLY