Qaramada Midoobay oo Soomaaliya usoo magacaawday Ergay cusub

0

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa u magacaabay Ergayga gaarka ah ee Soomaaliya iyo Xafiiska kaalmeynta Qaramada Midoobay ee UNSOM Catriona Laing oo u dhalatay dalka Ingiriiska.

Haweeneydaan Catriona Laing ayaa ah diblumaasiyad sare oo in ka badan 35 sano oo waaya aragnimo u leh diblumaasiyadda iyo xiriirka Caalamiga ah, waxayna xilkaan kala wareegeysa Ergeygii hore ee Wakiilka Qaramada midoobay u qaabilsanaa Soomaaliya James Swan oo isna u dhashay dalka Maraykanka, kaasoo ka shaqeynayay Xafiiskaan sanadahii ugu dambeeyay.

Catriona Laing ka hor inta aan  loo magacaabin xilkaan waxay kasoo shaqeysay qaar ka mid ah dalalka qaarada Afrika, waxayna horay u soo noqotay Safiirka dalka Ingiriiska ee dalalka Nigeria Zimbabwe.

Waxay sidoo kale Catriona Laing ay hore u soo noqoday madaxa Xafiiska horumarinta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya intii u dhexeysay sanadahii 1993 ilaa 1994.

SHARE

LEAVE A REPLY