Puntland “Waan u cudur daarayaa Xasan Shiikh Waa nin waayeel ah oo xanuunsanayaa”

0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta maamulka Puntland ayaa si la yaab leh uga jawaab celiyay hadalkii madaxweybe Xasan sheekh Maxamuud uu ku dhaliilay madaxweynaha maamulka Puntland.

Wasiirka ayaa sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh uu xanuunsan yahay, islamarkaana ay u cudur daarayaan.

“Waan u cudur daarayaa Xasan Shiikh Waa nin waayeel ah wuu xanuunsanayaa sababta Gabadhiisu ula socotana waxaa la sheegay inay daawadiisa sido” Wasiirka Warfaafinta Puntland oo ka jawaabay Madaxwayne Xasan

Hadalka wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa kusoo beegmaya, iyadoo madaxweynaha dowladda Fedaraalka uu shalay dhaliil adag hawada u mariyay madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

SHARE

LEAVE A REPLY