Puntland oo markale kashiftay sirta dowladda Fedaraalka Soomaaliya

0

Maamul goboleedka Puntland ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka Soomaaliya in ay isbaaro u dhigteen deeqihii lasiin jiray Puntland iyo sidoo kale mashaariicda horumuarineed ee laga fulin jiray deegaannada maamulkaasi.

Wasiirka Maaliyadda Puntland Maxmed Cabdirxmaan Dhabancad ayaa sheegay dowladda federaalka ah in deeqaha caalamiga ah iyo mashaariicda kalaba ay isbaaro u dhigatey oo aysan dalka gaarsiin, taas oo caqabad ku ah hanaanka dowlad dhiska dalka ee soo socdey.

Waxa uu sheegay wasiirka in dowladda Federaalka ay tahay in ay ka shaqeeyaan dalka oo dhan hormarkiisa, laakiin taas beddelkeeda tilmaamay in muddooyinkii dambe caqabad ku noqdeen hormarinta dalka.

Dhabancad ayaa tilmaamay in dowladda ka jirta Muqdisho hub siyaasadeed ka dhigteen mashaarcda caalamku siiyo Soomaaliya, gaar ahaan maamulka Puntland uu xusay in ay hor istaageen dhammaan mashaarciidii horumarineed ee laga fulin lahaa.

Wasiirka Maaliyadda ayaa cadeeyay in Puntland ay shuruuc adag u dejisey maamulidda mashaarciideeda hormarineed iyo deeqaha caalamka ee la siiyo, waxa uuna xusay in hubin badan lagu sameeyo waxyaabaha lagu fulinayo deeqa iyo mashaariicda horumarineed.

Waxa kale uu sheegay wasiirka Maaliyadda in markan muhiim tahay in bangiga Puntland toos loogu soo shubay lacagaha deeqaha ee beesha caalamka ugu tala gashay, waxa uu xusay lacagaha loo soo mariyo Muqdisho in dhibaato badan ku qabaan.

”Bangiga Puntland horumar weyn ayuu sameeyay, sidaas darteed, lacagaha mashaariicda hormarineed ay tahay in Baanka Puntland ay toos ugu soo dhacdo, lacagaha markii hore Muqdisho la soo marin jirey waxay keeneen dhibaato weyn oo ah marka dalabaadka la sameeyo ama la rabo in la fuliyo mashaarciida in aan la helin lacgataas, ama waxaa la siinaayaa dad aan la aqoon iyo shirkado aan Puntlandba ka jirin taas oo dadku aysan toos uga faa’ideysan” ayuu yiri wasiir Dhabancad.

Khilaafka u dhaxeeya maamulka Puntland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sababay in hakad galaan mashaariicdii horumarineed ee Puntland laga fulin jiray, waxaa sidoo kale dowladda federaalka adkeysay deeqihii caalamka kasoo gaari jiray Puntland.

SHARE

LEAVE A REPLY