Odayaal Shabaab lasoo heshiiyay oo Baledweyne lagu xiray

0

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya gaar ahaan guutada 5-aad qeybta 27-aad ayaa magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan Shalay galinkii dambe ku xirtay Odayaal la sheegay in dhawaan heshiis lasoo galeen kooxda Al-shabaab.

Odoyaashaan la xiray ayaa tiradooda lagu sheegay lix ruux, kuwaas la tilmaamay iney jabiyeen amarkii dowladda Soomaaliya ee ahaa inaan lala macaamili karin kooxda Al-shabaab oo ay dowladda Fedaraalka kula jirto dagaal ka dhan ah.

Odayaashaan loo xiray la macaamilka Ururka Al-shabaab ayaa dhawaan tagay deegaano ku yaala Galbeedka Baledweyne oo ay Shabaab ka taliyaan, kuwaas oo Shabaab lasoo galay heshiisyo ku aadan in ciidamada beeshooda ay ka saarayan dagaalada ka dhanka ah Shabaab.

Ciidamada xoogga dalka ayaa Odayaashan kusoo qabtay howlgal qorsheeysan oo ay ka sameyeen tuulooyin hoostaga degmada Halgan ee gobolka Hiiraan, lamana oga in Odayaashaani lagu Maxkamadeyn doono magaalada Baledweyne iyo in loo qaadayo magaalada Muqdisho

Dhawaan ayeey aheyd markii Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya xukun Xabsi oo 5 sano ah ay ku riday Odayaal Al-shabaab heshiis horay kula galay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

SHARE

LEAVE A REPLY