NISA oo shaacisay iney gacanta ku haysi horjooge sare oo Al-shabaab ah

0

Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa shaacisay inuu gacanta dowladda soo galay xubin sare oo ka mid ahaa kooxda Al-shabaab.

Horjoogahaan NISA ay shaacisay inuu gacanta dowladda soo galay ayaa la tilmaamay inuu xilal kala duwan kasoo qabtay Ururka Al-shabaab oo uu ka tirsana muddo 16 sano ah.

NISA ayaa magaca ninkan ku sheegtay Cabdiraxmaan Macalin Axmed, hayeeshee kooxda Al-shabaab looga dhax yaqaan magaca ah Abuu Saacid ama Shariif, sida ay sheegtay Hay’adda NISA.

Xilalka la sheegay inuu soo qabtay Abuu Saacid ayaa waxaa ka mid ahaa qaaddiga maxkamadda gobolka Banaadir, qaadiga guud ee Al-Shabaab iyo Lataliyihii hoggaamiyihii Al-Shabaab ee Axmed Godane.

Si kastaba qoraalka NISA kasoo baxay laguma shaacin halka uu iska dhiibay horjoogahaan ka tirsan kooxda ee ay shaacisay NISA inuu soo galay gacanta dowladda.

SHARE

LEAVE A REPLY