Ninka ma u banaan tahay inuu iska fiiriyo gabadha uu guuranayo

0

Ninka wey u Banaan tahay inuu iska fiiriyo gabadha uu rabo inuu Guursado, si aan Hadhoow uga Murugoonin ama aanu uga Shalaayin Guurkeeda. Nabiga CSW, wuxuu Nimanka faray iney iska eegaan Gabadha ay doonayaan iney Guursadaan:-

عَنْ الْمُغِيرَةِ بْنِ شُعْبَةَ رضي الله عنه : ” أَنَّهُ خَطَبَ امْرَأَةً ، فَقَالَ النَّبِيُّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ : انْظُرْ إِلَيْهَا فَإِنَّهُ أَحْرَى أَنْ يُؤْدَمَ بَيْنَكُمَا. ” (روى الترمذي ، وابن ماجه).

Muqiira ibnu Shucba RD, waxa laga wariyey iney u doonaneyd Gabar, wuxuuna yiri Rasuulka CSW: “Iska Fiiri iyada, maxaa yeelay wey mudan tahay inaad isku Waartaan”.

Waxa kale oo laga wariyey Rasuulka CSW:-

عَنْ جَابِرِ بْنِ عَبْدِ اللَّهِ رضي الله عنهما قَالَ : قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ : ( إِذَا خَطَبَ أَحَدُكُمْ الْمَرْأَةَ فَإِنْ اسْتَطَاعَ أَنْ يَنْظُرَ إِلَى مَا يَدْعُوهُ إِلَى نِكَاحِهَا فَلْيَفْعَلْ )

Jaabir ibnu Cabdilaahi RC, waxa laga weriyey inuu dhahay: Rasuulka CSW, ayaa yiri: “Haddii midkiin uu doono Gabar inuu guursado, haduu awoodo inuu iska eego waxa Guurkeeda ku Qasbaya ha sameeyo (ha iska eego)”.

Xadiisyadan waxay inoo Cadeynayaan iney Wanaagsan tahay in Ninku iska eego Gabadha uu rabo inuu Guursado, taasoo keeneysa iney Mustaqbalka isku waaraan.

SHURUUDAHA EEGMADA EE GABADHA.

Shuruudaha eegmada Gabadha Ajnabiga ah:

1- Waa inaan Keli la isla noqonin, oo ay Cid kale la joogtaa.

2- Waa inaaney jirin Shahwad. Waxyaalaha Kiciya Dareenka Shahwada ee Ninka iyo Gabadhaba.

3- In Ninka Malihiisu u badan yahay in la Aqbalayo. Haduu ogyahay in Gabadha loo diidaayo, uma banaana inuu Eego gabadhaas.

4- Ninku waa inuu Fiiriyo meelaha inta badan muuqata sida Gacmaha, Wejiga, Madaxa iyo Cagaha. Wixii intaa dheer ma banaana in la eego.

5- Ninku waa inuu go’aansaday inuu Guursado gabadha.

6- Gabadhu waa inaaney isa soo Qurxinin ama Cadar aanay isku soo shubin.

7- arka Ninku eegayo gabadha uma Banaana inuu ku dheggen yahay ama Hareerteeda uu Fadhiyo ama jirkeeda uu taabto, ee meel Durugsan oo ay suurto galeyso inuu ka Arki karo ayuu Fadhiisanayaa. Sababtuna waxa weeye gabadhu weli Ajnabi ayey ka tahay oo isma aaney Guursanin.

8- Ma haboona in muddo dheer la Fadhiyo Goobtaas iyo in Qosol badan iyo Sheeko dheer la wadaago toona.

Waxaa Qoray:- Macoow Ustaad.

SHARE

LEAVE A REPLY