Nin gaarigiisa ku waday Meydka wiil yar oo lagu qabtay magaalada Muqdisho

0

Ciidamada Booliiska gobolka Banaadir, gaar ahaan kuwa Saldhiga degmada Hodan ee magaalada Muqdisho ayaa gacanta kusoo dhigay nin gaarigiisa ku waday meydka canug yar oo 6 sano jir ah.

Ninka eedeysanaha ee gaarigiisa ku waday meydka Wiil yar ayaa magaciisa lagu sheegay Cabdiraxmaan Muuse Cali, kaasoo gaarigiisa laga dhex helay meydka wiil yar oo magaciisa lagu sheegay Cabdullaahi Yuusuf Cabdullahi.

War qoraal ah oo kasoo Booliiska ayaa lagu sheegay in Booliiska lagu soo war galiyay gaarigan uu ku dhax jiray wiilka yar oo ku baakinaa agagaarka Isbitaalka Digfeer, markii ay goobta tageena ay ugu tageen wiilka yar oo dhintay kuna dhax jira gaariga.

“6/5/2023 abaare 16:45 Galabnimo, ayaa muwaadiniin ku sugan Degmada Hodan gaar ahaan waaxda Octobar, agaagarka Isbilaatka Rayib Racep Ordogan (ex-digfeer) la soo wadaageen Ciidanka Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Banadir, la soo wadaagay gaari baakin ku jira oo ilmo yar korlooga xiray, halkaas oo gurmad ay ciidanku ku tageen ayaa goobta kula kulmay ilmaha yar oo meyd ah, kuna dhex jira gaariga” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Taliska Booliiska Banaadir.

Ciidanka Boliiska ayaa xabsiga u taxaabay eedaysanaha watay gaariga laga dhex heley meydka wiilka yar, waxaana saraakiisha Booliiska ay sheegeen in baaritaan ku hayaan kiiskan, islamarkaana u gudbin doonaan maxkamada ku shaqada leh kiiskaan.

SHARE

LEAVE A REPLY