Nabadoono caan ka ahaa Baledweyne oo lagu dilay qarax miino

0

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Cagoole oo qiyaasti 60km koonfureed Baladweyne kaga beegan ayaa sheegaya in gaari ay saarnayen dad Nabadono ah ay miino kula qaraxday

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in ay qaraxaasi ku geeriyooden Nabaddoon Yuusuf Fiidow Faarax, wiil uu dhalay, Nabadoon Mukhtaar Xaaji iyo Nabadoon Xasan Xuseen Lugayare

Dad ka dhintey ayaa la sheegey inay ka soo socdaaleen magaalada baledweyne ayna kusii jeedeen deegaanka Buq Aqable oo ay Al-shabaab uga yeereen nabadoonada.

Maalmahii dambe waxaa wadooyinka gala magaalooyinka Baledweyne, Matabaan, Maxaas iyo Buula burte kusoo banadaayay qaraxyada miino ee ku aasan wadooyinkaasi ee khasaraaha ba’an u geysanaya shacabka ku safraya, waxaana inta la xaqiijihay qaraxyadaasi miino ku dhintay dad ku dhaw 20 ruux

SHARE

LEAVE A REPLY