Nabadoon caan ah oo lagu dilay magaalada Gaalkacyo

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay dil Xalay magaalada Gaalkacyo kooxo hubeysan ugu geysteen Nabadoon Cabdi Aadan Siyaad oo ka mid ahaa nabadooda caanka ka ah gobolka Mudug.

Kooxda hubeysneyd ayaa Nabadoonka dishay xili uu kasoo baxay Masjidka Ramadaan ee magaalada Gaalkacyo oo uu kusoo Tukaday Salaadii Maqrib, kuwaas oo rasaasta kala dhacay qeybaha sare ee jirkiisa.

Ciidamo ka tirsan kuwa amniga maamulka Puntland ayaa dilka kadib gaaray goobta marxuumka lagu dilay, kuwaas oo ilaa saakay baaritaano ka wada xaafada Garsoor oo ah halka lagu dilay nabadoonka Cabdi Aadan Siyaad.

Saraakiil ka tirsan ciidanka amaanka magaalada Gaalkacayo ee maamulka Puntland oo la hadlay warbaahinta gudaha waxay sheegeen iney wali ku raad joogaan dableyda geysatay dilka, hayeeshe Saraakiisha maysan bixin wax faahfaahin ah oo intaas ka badan.

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug waxaa marar badam sidaan oo kale dilal qorsheysan loogu geystay Odayaal Nabadoono ahaa, Saraakiil ciidan iyo dad kale oo shacab ahaa, waxaana dilka nabadoonkaan uu imaanaya, iyadoo mudooyinkii dambe amaanka magaaladaasi uu soo hagaagayay.

SHARE

LEAVE A REPLY