Musharaxiinta madaxweynaha Puntland oo Deni digniin adag u diray

0

Qaar kamid ah musharraxiintii xilka madaxweynaha Puntland u tartamay doorashadii 2019, ayaa ku eedeeyay madaxweyne Deni inuu damacsan yahay muddo kororsi labo sano ah.

Musharraxiintan oo ay kamid yihiin Cali Xaaji Warsame, wasiirkii hore waxbarashada Puntland iyo Faarax Cali Shire, wasiirkii maaliyadda Puntland, ayaa sheegay in qorshaha Deni uu yahay in saddexda urur siyaasadeed ee kusoo baxa doorashada golayaasha deegaanka ay muddo kordhin u sameeyaan.

“Raggayagii madaxweynaha la kulmay, waxaanu kula talinay inuu caddeeyo inuusan Extension u socon. Barnaamijkaasna uu daacad ka yahay. Laakiin sida hadda soo baxaysa waxaa weeye, dowladdu inay faras kale saaran tahay, aysanna doonayn in la wada guuro,” ayuu yidhi siyaasi Cali Xaaji Warsame.

Wasiirkii hore ee maaliyadda Puntland, Faarax Cali Shire ayaa isna sheegay inuu madaxweyne Deni tolonayo shaati ka weyn, oo uu ula jeedo doorasho waqtigeeda la dayacay inuu iskudayo inuu hadda qabto.

Faarax Cali Shire wuxuu sheegay arrintaas inay Puntland u horseedayso dagaal Puntland gudaheeda ka qarxa oo uu masuul ka ahaan doono madaxweyne Deni.

Hadalka siyaasiyiinta Puntland ayaa kusoo aaday maalin kadib markii deegaanno katirsan gobolka Nugaal lagu gubay warqado wacyi galinta diiwaan galinta ah oo la doonayay in la geeyo gobolada.

SHARE

LEAVE A REPLY