Muqdisho oo Maanta Martigalineyso Shirweyne Caalami ah

0

Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacaya shir u dhaxeeya Madaxda Dowladaha Soomaaliya, Jabuuti, Itoobiya & Kenya oo ay uga hadlayaan Amniga Dalka, Xoojinta la dagaalanka ‘AS’, Iskaashiga Dowladahaan deriska ah iyo in taageero militari Soomaaliya loo raadiyo.

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caasimadda kusoo dhoweynaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo Madaxweynaha Kenya William Ruto.

Marka madaxdu guud ahaan soo gaaraan Magaalada Muqdisho waxaa toos u furmaya shirka ay usoo safreen, Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu horreyn faah-faahin ka siin doonna guulaha Dowladda Federaalku ka gaartay howlgallada ka dhanka ah ‘AS’.

Kaddib waxa uu u gudbin doonnaa qorshaha iyo fariinta Dowladda Soomaaliya ee ah in iskaashi guud ay sameeyaan waddamadaan oo Ciidamo ka socda kuna howlgalla Magaca ATMIS ugu biiraan si iskaashigooda uu u xoogeysto.

Kulanka Madaxweyneyaasha Soomaaliya, Jabuuti, Kenya & Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya waxaa ka horreeyay shir gaar ah oo ay yeesheen Taliyeyaasha Ciidamada Xoogga Dalalkaan oo ay is tusiyeen farsamooyinka uga furan dagaalka.

La soco wixii kasoo kordha.

SHARE

LEAVE A REPLY