Mosevani oo shaaciyay tirada askarta looga dilay Buula mareer

0

Madaxweynaha dowladda Uganda Yoweri Musevani ayaa qiray in weerarkii Al-shabaab ay ku qaaday Saldhiga Buula mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose kaga dhinteen dowladda Uganda 54 ka mid ah ciidankii ku sugnaa Saldhigaas.

Weerarkaan ayaa ahaa mid dhacay 26-kii bishii lasoo dhaafay, kaasoo ay kooxda Al-shabaab ay ku sheegatay iney ku dishay 200 oo askari, islamarkaana ay ku furatay hub iyo saanad ciidan oo ay ka qaadatay Saldhiga ciidanka Uganda ee qeybta ka ah howlgalka ATMIS ee degmada Buula mareer.

Bayaan kasoo baxay Xafiiska madaxweynaha dalka Uganda ayaa lagu sheegay in dowladda Uganda ay ka go’an tahay la dagaalanka Al-shabaab iyo garab istaaga dowladda Soomaaliya ee dagaalka kula jirta Ururka Al-shabaab.

“Askarteenu waxay muujiyeen dhabar adeeg iyo dib isu habeyn taas oo keentay in ciidamadu ay dib u qabsadaan saldhiggooda Buula mareer talaadadii” ayuu yiri madaxweyne Yoweri Museveni.

Musevani ayaa sidoo kale sheegay in dowladiisa  ay diyaar u tahay in naf iyo maalba ku bixiso la dagaalanka waxa loogu yeero argagixisada.

SHARE

LEAVE A REPLY