Militariga Soomaaliya oo Xalay la wareegay deegaan muhiim ah oo…

0

Sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka degaanka Ciidamo katirsan Milateriga Soomaaliya ayaa xalay AlShabaab kala wareegay degaano ka tirsan Shabeellaha dhexe.

Degaanada Ciidamadu la wareegeen waxaa ka mid ah degaanka Istaraatiijiga ah ee Xawaaldeey oo hoos-yimaada degmada Balcad ee G/Sh/ Dhexe.

Xawaadleey oo ku taala bartamaha Jowhar iyo Balcad ayaa sanadihii lasoo dhaafay waxaa ku sugnaa Al-Shabaab taasoo sababtay in uu istaago isu-socodka Jowhar iyo Balcad.

Sidoo kale, Xawaadleey waxaa ku taala Buundo isku xirta 2-da Shabeelle waxayna Al-shabaab u isticmaali jireen marin ay isaga gudbaan ilaa meelo kamid ah gobalada dhexe.

Ciidanka qabsaday Xawaadleey waxaa hogaaminaya Korneel lagu magacaabo Abuukar Boonoow oo katirsan CXD.

SHARE

LEAVE A REPLY