Militariga Soomaaliya oo sheegay in 20 ka mid ah Shabaab lagu dilay Shabeellaha Hoose

0

Ciidamada milatariga Soomaaliya ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgal qorsheysan ka sameeyey qaybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose ee koonfurta Soomaaliya.

Howlgalka oo ahaa mid bartilmaameed ah ayaa ka dhacay duleedka deeganka Sabiid, gaar ahaan goob ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay dileen ugu yaraan illaa 20 ka tirsanaa Al-Shabaab, sidoo kale ay burburiyeen fariisimo ay Al-Shabaab isku uruursanayeen oo ku yaalla halkaasi.

Sidoo kale saraakiisha ayaa intaasi kusii daray in weli ay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ka socda halkaasi, si looga hortago weerarada Al-Shabaab.

Inta badan gobollada dalka waxaa ka socdo howlgallo ballaaran oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka, kuwaas oo deegaano kala wareegay Al-Shabaab.

SHARE

LEAVE A REPLY