Midowga Afrika oo war kasoo saaray howlgalada ka socda Galmudug

0

War kasoo baxay howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ayaa lagu bogaadiyay howlgallada Ciidamda Dowladda Federaalka, Daraawiishta DG Galmudug & Dadka deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda ay ‘AS’ uga qabsadeen Degmooyinka Xarardheere, Ceeldheer & Galcad oo ka kala tirsan Gobollada Mudug & Galgaduud DG Galmudug.

Ergayga gaarka ah ee Guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna madaxa howlgalka KMG ah Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) Danjire Maxamed Al-Amiin Souef ayaa hambalyo u diray ciidanka Qaranka Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in ay gacanta ku dhigeen magaalooyin muhiim ah oo muddo dheer ay maamulayeen ‘AS’ taasina ay muujineyso sida ay uga go’an tahay dardargelinta howlgallada ka dhanka ah waxa uu ugu yeeray ‘Argagixisada’.

“Howlgalka ATMIS waxa uu sii wadi doonaa in uu bixiyo taageerada loo baahan yahay si loo gaaro Soomaaliya oo ka caaggan argagixisanimada iyo falalka la xiriira” ayuu yiri Danjire Souef oo ah Madaxa howlgalka KMG ah ee Midowga Afrika ATMIS.

Ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS ayuu sheegay in kaalintooda ay ka qaadanayaan howlgallada deegaannada dib looga qabsanayo ‘AS’ si loo gaarsiiyo nidaamka Dowliga oo ay u baahan yihiin Dadka ku nool deegaannadaas waa sida uu hadalka u dhigay.

“AS’ waa ay jabeen, innaga oo garabsaneyna walaalaheena Soomaaliyeed sii wadi doonaa in aan argagixisada khawaarijta ah ka saarno Soomaaliya si ay shacabku u helaan amni, xasillooni iyo nabad, kuwaas oo muhiim u ah horumarka bulsho iyo kan dhaqaaleba” ayuu yiri Madaxa ATMIS.

Ciidamada Dowladda Federaalka oo garab ka helaya Daraawiishta Dowlad-Goboleedyada & Dadka deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda ayaa gacanta ku dhigay Magaalooyin qaarkood 10 sano ka badan ku jiray gacanta ‘AS’.

SHARE

LEAVE A REPLY