Mid ka mid ah dagaalyahanada Shabaab oo toogasho ku laayay askar Kenyan ah

0

Nin hubeysan oo katirsan Alshabaab oo gudaha u galay xero ciidan, ayaa dilay ugu yaraan saddex askari oo ka tirsan ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka nabad ilaalinta ee ATMIS.

Ninka dilka geystay ayaa sidoo kale dhaawacay shan askari oo kale ka hor inta aan la toogan, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan ciidamada Kenya.

Weerarka oo dhacay subaxnimadii Isniinta ayaa ka dhacay Saldhig ciidan oo ku yaalla gobolka Jubbada Hoose una dhow xuduudka Kenya.

Dhinaca kale, mas’uuliyiinta Kenya ayaa ku baaqay in la digtoonaado ka dib bilaabashada ciyaaraha kubadda cagta adduunka ee ka furmay Qatar.

Sannadkii 2010-kii, ugu yaraan 76 qof ayaa la dilay kaddib markii Al-shabaab ay bartilmaameedsadeen goob lagu daawanayay cayaaraha oo ku taallay caasimadda Uganda ee Kampala.

Sanadihii la soo dhaafay dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa weeraro ku qaadayay deegaanada fogfog ee Kenya gaar ahaan Mandera iyo Gaarisa.

SHARE

LEAVE A REPLY