Meydka Wiil Soomaali ah oo inta la dilay, lana qariyay oo lanhelay

0

Magaalada Dublin ee caasimadda dalka Ireland waxaa lagu dilay muwaadin Soomaaliyeed, iyadoo dilka kadibna meydkiisa la qariyay.

Muwaadinka asal ahaan Soomaaliga ah ee la dilay waxaa magaciisa lagu soo koobay Maxamed Ilyaas, isagoo ahaa da’da 22 sano jir, sida laamaha amaanka dalkaasi ay xaqiiniyeen.

Sida baaritaanada hordhaca ah ay muujinayaan, Maydka Maxamed Ilyaas Waxaa laga dhax helay Roog dhaxdiisa oo lagu qariyay waxaana helay Nin lugaysiinayo Eygiisa oo uu watay

Booliska magaalada Dublin ayaa durba baaritaano bilaabay, iyagoo dadka ka codsaday cidii kiiskan xog ka heysa ay la soo xiriiraan Xaruntan lagu magacaabaa Ashbourne Garda Station oo ku taalo Galbeedka Magaalada Dublin, halkaasoo baarista kiiskan uu ka socdo.

Soomaalida ku nool dalka Ireland ayaa aad u hadal heysa dhacdadan, waxaana soo wajahday cabsi ku aadan in la beegsan karo dhalinyarada.

SHARE

LEAVE A REPLY