Meydadka dagaalamayaal ka tirsan Shabaab oo Kismaayo lagu soo bandhigay

0

Ciidamada Kumaandooska Danab oo kaashanaya kuwa Nabad sugida maamulka Jubbaland ayaa howlgalo qorsheysan oo lagu dilay dagaalamayaal ka tirsan Ururka Al-shabaab ka sameeyay deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamada ayaa howlgalada xoogooda ka sameeyay deegaanada Kaamjaroon, Yaaq xaluul iyo deegaano kale oo ka tirsan Jubbada Hoose.

Ciidamada iskaashanaya ayaa magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose kusoo bandhigay meydadka xubno ka tirsan Shabaab oo ay kusoo dileen howlgalada ay saacadahii lasoo dhaafay ka sameeyeen deegaanada ka tirsan Jubbada Hoose.

Saraakiil ka tirsan ciidamada oo la hadashay warbaahinta ayaa sheegeen in howlgalada ay ku burburiyeen fariisimo iyo gabaadyo kooxda Al-shabaab ay ku lahayeen deegaano dhowr ah oo ku yaala Waqooyiga Jubbada Hoose, islamarkaana ay kusoo furteen hub iyo gaadiid ay lahaayeen Ururka Al-shabaab.

Howlgaladaan ayaa kusoo beegmaya, iyadoo todobaadkii lasoo dhaafay howlgalo noocaan oo kale ah oo ay ka sameeyeen ciidamada Danab iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland deegaano ka tirsan Jubbada Hoose oo ay ku dileen dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab.

SHARE

LEAVE A REPLY