Maxkamadda gobolka Banaadir oo laba bilood oo xabsi ah ku xukuntay Waroye Cabdalla Muumin

0

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa Maanta ugu dambeyn laba bilood oo xabsi ah ku xukuntay xoghayaha Ururka u dooda xaquuqda Wariyaasha ee SJS Cabdalla Axmed Muumin

Kiiska Wariye Cabdalla Axmed Muumin oo mudo dheer soo socday, islamarkaana soo maray heerar kala duwan ayaa Maanta guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir Garyaqaan Saalax Cali Maxamuud waxaa uu ku dhawaaqay in Maxkamadda laba bilood oo xabsi ah ku xukuntay Cabdalla Axmed Muumin.

Guddoomiye Saalax Cali ayaa sheegay in xukunka Cabdalla Muumin loo cuskaday qodob ka mid ah sadax qodob uu ku eedeysana, hayeeshee labadii qodob ee kale oo uu ku eedeysnaa lagu waayay.

Kiiska xoghayaha Ururka SJS Cabdalla Muumin ayaa ah mid ka dhashay shir jaraa’id oo uu kaga hadlay amar kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo ay ku mamnuucday inan la baahin karin wararka kooxda Al-shabaab.

Maxkamadeynta Cabdalla Muumin aya soo martay ilaa afar wareeg oo qaarkood su’aalo toos ah lagu weydiinaayay, iyadoo ay aheyd markii ugu horeysay ee la xiro Cabdalla Muumin sanadkii lasoo dhaafay bishii October 2022-kii.

SHARE

LEAVE A REPLY