Maxkamada gobolka Bari oo lasoo taagay dhalinyaro dhawaan xag gudub sameysay

0

Maxkamadda derejada koowaad ee degmada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa xukun ku riddey shan dhallinyaro oo ku eedeysan in ay ku xadgudbeen qoys ay gurigooda ugu dheceen xilli habeen kana duubeen muuqaal iyaga oo handadaya.

Maxkamadda Degmada Boosaaso ayaa hoggaamiyaha kooxda oo lagu magacaabo Yuusuf Axmed Cali ku xukuntey lix sanno oo xarig ah, halka afarta kalena lagu xukumay min shan sanno oo xarig ah. Sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Maxkaamdda.

Sidoo kale Maxkamadda derejada koowaad ee degmada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa dhallinyaradaan ku xukuntay min $4,000 oo doollar iyo magdhowga muuqaalka ay faafiyeen iyo min $1,000 doollar oo kale oo ganaax guud ah.

Kanaaxa ay saartay shantaan dhallinyaro Maxkamadda derejada koowaad ee degmada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa dhan $25,000 oo doollar ah guud ahaan, taas oo ka dhingan in qofkiiba lagu ganaaxay lacag gaareysa $5,00 oo doolar.

Guddoomiyaha Maxkamadda oo ku dhawaaqay go’aanka ka soo baxay Maxkamadda ayaa sheegay in xukunkan uu ka furan yahay racfaan muddo soddon maalin gudahood ah, kaasi oo ay qaadan karaan eedaysanayaasha.

Bilowga todobaadkii hore ayaa baraha Bulshada waxa ka soo muuqday Muuqaal la sheegay in ay duubeyn dhallinyaradaan, kuwaas u galay qoys ayna ka duubeen Muuqaal ay uga hanjabayaan.

SHARE

LEAVE A REPLY