Maxkamada Ciidamada oo Maanta Toogasho ku fulisay laba ka mid ah dagaalyahanada Shabaab

0

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa Shucayb Cabdullaahi Maxamed & Saadaq Cabdi Jabaar Cumar ayaa saaka ku fulisay xukunkii dilka toogashada ahaa oo ay horay ugu Xukuntay Maxkamadda Ciidamada.

Labadaba waxaa lagu helay Dambiyo dil ah oo ay ka geysteen Magaalada Muqdisho, iyaga oo ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Magacyada Axmed & Qoono ayay Caan ku ahaayeen, waxaana ay Alshabaab ka tirsanaayeen ilaa 2014kii, balse ugu dambeyn Maanta la toogtay.

Todobaadkaan ayay aheyd markii sidaan oo kale Maxkamadda Ciidamada ay xukun dil toogasho ah ku fulisay Dable Ceeydiid oo sanadkii 2017-kii Muqdisho kudilay Wasiirkii howlaha Guud ee Xukuumaddii Xasan Cali Kheyre ee Cabaas Siraaji.

SHARE

LEAVE A REPLY