Maxkamada Ciidamada oo Maanta dil ku fulisay laba ka mid kooxda Daacish

0

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa saaka dil toogasho ah ku fulisay xubbno ka tirsan AL-Shabaab, oo horay maxkamaddu ay dil toogasho ugu Xukuntay.

Toogashada oo ka dhacday Iskool Buluusiya ayaa waxaa lagu fuliyay Aadan Maxamed Cali Maxamuud iyo Maxamed Cali Maxamed Faarax, kuwaasi oo Daacish ka tirsanaa, sidoo kalena dilal ka gaystay Muqdisho iyo Boosaaso.

Aadan Maxamed Cali Maxamuud ayaa waxaa horay gacanta ugu dhigay Dowladda Soomaaliya sanadkii 2019kii, Xili la qabtay isagoo dhaawac ah.

Waxaana sidoo kale uu isaga gudbay AL-Shabaab iyo Daacish, waxaana horay uu u qirtay in 2010 kii uu ku biiray dagaalamaayasha AL-Shabaab, inkastoo markii dambe uu ku biiray Daacish sidoo kalena uu dilal ka gaystay Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Dowlad Goboleedka Puntland.

Saraakiil, Mas’uuliyiin ka tisran Dowaladda Soomaaliya, Ganacsato ayay horay u dileen Sida ay Maxkamadddu shaacisay, waxaana Ugu dambeyn Saka lagu lagu fuliyay dil Toogasho ah.

SHARE

LEAVE A REPLY