Maxaas oo sanado badan kadib tageen Hay’addo Caalami ah

0

Wafdi ka socday hey’adaha Qaramada Midoobay ayaa muddo 13 sanadood ah ka dib maanta gaaray magaaladda Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Ujeedka Wafdigaan ayaa ahaa sidii kormeer ay ugu sameyn lahaayeen nolosha dadka deegaanka oo dhibaatooyin u geysteen Argagixisada Al-shabaab.

Sidoo kale, wefdiga ayaa qiimeyn doona dib u dhis loogu sameyn doono xarumaha dowladda ee ku yaala magaaladaas iyo ceelashii biyaha ee dhawaan ay gubeen kooxaha Khawaarijta.

Waa Wafdigii ugu horeeyay ee ka socda hey’adaha caalamiga ah iyo saxibada Soomaaliya ee gaarka degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan kadib markii deeganada ku dhow dhow iyo wadooyinka oo ay go’doomiyeen Al shabaab.

SHARE

LEAVE A REPLY