Maxaa Xalay ka dhacay degmada Xamarweyne oo aadan ogeyn

0

Guddoomiyaha degmada Xamarweyne ayaa sheegay inay billaabeen howlgal guri guri loogu baarayo, kadib hoobiyayaashii shalay lagu garaaacay degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in ay soo qabanayaan dadka guryaha hubka iyo qaraxyada ugu haya kooxda Alshabaab, isagoo sheegay inaan loo dulqaadan karin in maalin kasta shacabka lagu dhibaateeyo bumbo.

Guddoomiyaha wuxuuu sheegay in hoobiyaashii shalay uu ku dhaawacmay wiil yar oo shan jir ah. Arrintaasi oo uu sheegay inay tahay wax laga xumaado oo aan loosii dulqaadan karin.

Wuxuu sheegya hay’adaha amnigu inay talaabo ka qaadayaan cid kasta oo Shabaab guryaha ku qarisa, isagoo sheegay in howlgalku uu soconayo illaa laga nadiifinayo degmada Xamarweyne.

Shalay ayay ahayd markii degmada Xamarweyne lagusoo garaacay hoobiyayaal, kuwaaa oo ay ku waxyeeloobeen dad shacab ah.

SHARE

LEAVE A REPLY