Maxaa looga hadlaya Shirka Golaha Wadatashiga Qaran

0

Magaalada Muqdisho waxaa ka socda diyaargarowga Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee Madaxda Federaalka & Dowlad-Goboleedyada isaga xog-wareysanayaan Xaaladda gaar ahaan dhanka Amniga & Doorashooyinka.

Sida ay Mustaqbal u xaqiijiyeen ilo ku dhow shirka, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud oo shir Guddoominaya kulanka waxaa diiradda lagu saarayaa amniga iyada oo madaxda ay iska wareysanayaan howlgalladii ugu dambeeyay ee ‘AS’ looga qabsaday deegaanno dhowr ah.

Madaxda Federaalka & Dowlad-Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda ayaa kala xog-qaadasho kaddib dejinaya qorshaha la isugu xirayo howlgallada keliya ka socda Hir-Shabeelle & Galmudug si looga dhigo mid wadajir ah oo garba siman u socda.

Madaxweyneyaasha Dowlad-Goboleedyada Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen & Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa goor sii horreysay soo gaaray Magaalada Muqdisho halka maanta la sugayo Madaxweyneyaasha Puntland, Galmudug & Jubbaland.

Marka ay Madaxda meel wada dhigaan arrinta Amniga, waxa ay kaddib gudagalayaan Doorashooyinka maadaama Madaxda Dowlad-Goboleedyada muddo kordhin sameysteen si xal loogu helo khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay tallaabooyinkaas.

Shirarkii hore ee Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa kusoo dhammaaday is faham & in ay sameysteen ballamo ah kulamo kale in la qabto si Madaxda Federaalka & Dowlad-Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka uga arrinsadaan waxyaabaha soo kordha iyo qodobada taagan.

SHARE

LEAVE A REPLY