Mareykanka oo Soomaaliya ku wareejiyay qalab Militari oo qiima ahaan gaaraya 9 Milyan oo doolar

0

Dowladda Mareykanka ayaa Soomaaliya ugu deeqday lacag dhan 9 milyan oo dollar oo isugu jirta hub, gaadiid, agab caafimaad iyo qalab kale oo loogu talagalay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa DANAB.

Munaasabada wareejinta deeqdaan waxaa ka qeyb galay Safiirka dalka Mareykanka Larry Andre, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka Jenaraal Odowaa Yuusuf Raage. 

Wasiirka gaashandhigga xukuumadda Fedaraalka Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya kala wareegay hub ay ugu talagaleen ciidanka Danab ee ka howlgala deegaanada maamulada Hirshabeelle iyo Galmudug.

Safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya Larry Andre ayaa munaasabadda ay ku wareejinayeen hubka, gaadiidka iyo agab ciidan ka sheegay inay tahay deeqdan mid ay ugu talagaleen xoojinta la dagaalanka kooxda Al-Shabaab. 

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa uga mahadceliyey dowladda Mareykanka garab istaagga ay u muujiyeen ciidanka ayaa sheegay in taageeradan fariin u tahay dalalka kale sida Soomaaliya ay ugu diyaar garowday ciribtirka Al-shabaab, laguna aamini karo hubka casriga ah. 

“Waxaan ka qayb galey xaflad hub, gaadiid iyo agab kale oo ciidan loogu warejinaayey ciidanka Xooga Dalka, ayna waraajineysey Dowlada Mareekanka oo mataalayey Danjiraheeda u fadhiya Soomaaliya Mudane Larry E. André, Jr. Tani waxay tusaale u tahay horumarka uu gaarey C.X.D mudadii la soo dhaafey taas oo keeney in lagu aamini karo agab walba oo Ciidan. Waxaan u mahad celinaayaa Dowlada Mareekanka oo hiil iyo hooba la garab taagan Wasaaradda Gaashaandhiga iyo guud ahaan Dowlada Soomaaliyeed” ayuu yiri wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur.

 

Wasaaradda gaashandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa mudooyinkii dambe xoojijeysay dagaalka ka dhanka ah kooxda Shabaab ee ka socda gobolada dalka, iyadoo dagaaladaasina inta badan Shabaab looga xoreeyey deegaano badan oo ku yaala dalka.

SHARE

LEAVE A REPLY