Mareykanka oo si kulul uga hadlay qaraxyadii Ismiidaaminta ee ka dhacay Baledweyne

0

Dowladda Mareykanka ayaa si adag u cambaareysay weeraradii qaraxyada ahaa ee Shalay ka dhacay magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ee geystay khasaaraha isugu jiray dhimashada, dhaawaca iyo burbur hantiyadeed oo baaxad weyn.

War qoraal ah oo lasoo dhigay bogga Twitter-ka ee Safaaradda Mareykanka ku leedahay Soomaaliya ayaa tacsi loogu diray ehelada dhamaan dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay qaraxyadii Ismiidaaminta ahaa ee Baledweyne ka geysteen Al-shabaab.

“Mareykanku wuxuu cambaareynayaa weerarrada Al-Shabaab ee Beledweyne, oo lala beegsaday saraakiisha dowladda ee ka shaqeynayay sidii ay nabad uga dhigi lahaayeen gobolka iyo shaqaalaha caafimaadka ee u adeegayay dhaawacyada. Waxaan tacsi u direynaa dadka laga dhintay, Waxaan dadka Soomaaliyeed ku taageereynaa dagaalka ay ku raadinayaan nabada iyo mustaqbal fiican ” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Xafiiska Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya.

Warkaan kasoo baxay dowladda Mareykanka ayaa imaanaya, iyadoo sadaxdii qarax ee Ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay Baledweyne ay ku geeriyoodeen ugu yaraan 20 qof oo isugu jiray masuuliyiin iyo dad shacab aha, halka dhaawacyadana intaasi ka badan yihiin.

Xaalada Baledweyne ayaa saaka degan mana jiro dhaqdhaqaaq ganacsi iyo mid isku socod intaba waxaana wali laga dareemaya gudaha magaalada saameynta qaraxyadii shalay oo ay ugu horeyso bandow 24 saacadood ahaa oo lagu soo rogay magaalada, kaasoo xalay ka dhaqan galay gudaha Baledweyne, islamarkaana wali saaran.

SHARE

LEAVE A REPLY