Mareykanka oo si cajiib badan uga hadlay dagaalada Macawiisleeyda iyo Shabaab

0

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Larry Andre ayaa sheegay in dowladdiisa ay si adag u taageersan tahay qorshaha mideysan ee dowladda Soomaaliya iyo qabaailadu isaga kaashanayaan dagaalka Alshabaab.

Safiirka Maraykanka ayaa waxa uu sheegay in dowladiisa ay taageereyso shacabka deegaanada la xoreeyay. Waxa uu dhinaca kale kula dar daarmay qabaa’ilku in ay iska kaashadaan sidii loo ciribtiri lahaa aafooyinka Alshabaab ee ragaadiyay soo nooleynta qaranka Soomaaliyeed.

Danjire Andre waxa uu sheegay in duullaanka ka dhanka ah Al Shabaab uu yahay mid lagu tijaabin doono awoodda beelaha Soomaaliyeed.

“Soomaalidu ma waxay u dhaqmi doontaa midnimo? Ma midnimadooda ayay muujinayaan? Ma waxay muujinayaan inay yihiin qaran Soomaaliyeed mise waxay muujinayaan in Soomaaliya ay tahay qabiilo la soo ururiyay, waxaan ula jeedaa in beel ka mid ah beelaha dega Hiiraan ay ku daashay dagaalka halka beelaha ay iska fadhiistaan oo ay daawanayaan, oo aysan iyagu dagaalka gelin. Bulshadu waa inay xifaaltankooda meel dhigaan oo ay yiraahdaan annagu hal dan ayaanu leenahay dhammaanteen,”ayuu yiri safiirka Maraykanka Andre.

Bishii Ogosto ee sanadkan ayay ahayd markii ciidamada dowladda iyo malleeshiyo beeleedyada huwanta ah ay howlgallo ka bilaabeen gobollada dhexe ee Soomaaliya si ay uga xoreeyaan tuulooyin iyo magaalooyin hor leh oo ay gacanta ku hayeen kooxda Alshabaab.

Guusha laga gaaray howlgallada ay ciidamadu kula wareegeen tobonaan tuulo oo ay horay u maamuli jireen Alshabaab ayaa ku dhiirri geliyay ciidamada dowladda Federaalka inay kordhiyaan baacsiga Shabaab.

SHARE

LEAVE A REPLY