Mareykanka oo sheegay in duqeyn uu ku dilay dagaalmayaal Shabaab ah

0

Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay inay 15 katirsan dagaalamayaasha Alshabaab ku dishay labo duqayn oo ka dhacay deegaano hoos yimaada degmada Cadale ee gobolka Shabeellada dhexe.

War qoraal ah oo kasoo baxay taliska Maraykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay, in duqaymahan oo dhacday intii u dhaxeysay 14kii illaa 17 december lagu bartilmaameesaday farriisimo Alshabaab kaga sugnaayeen gobolka Shabeellada dhexe.

Dowladda Maraykanka waxay sheegtay inuusan jirin wax khasaare ah oo shacabka kasoo gaaray duqeymaha uu ku bartilmaameesaday Alshabaab.

Wuxuu Maraykanku sheegay inuu duqayn ku taageeray ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ee dagaalka kula jira Alshabaab.

Maalmo ka hor, dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ku dhawaad 100 katirsan Alshabaab lagu dilay duqeymo iyo weerar toos ah oo ka dhaca deegaanka Juxaay oo katirsan degmada Aadan Yabaal.

SHARE

LEAVE A REPLY