Mareykanka oo ku dhawaaqay war farxad galiyay Soomaalida ku nool dalkaas

0

Xoghayaha amniga gudaha ee dowladda Mareykanka Alejandro N. Mayorkas ayaa shaaca ka qaaday in dadka Soomaalida ah ee aanan heysan sharciga dowladda Mareykanka iney sii joogi karaan gudaha dalka Mareykanka mudo sanad iyo lix bilood oo kale.

Mudo kordhintaan 18-ka bilood ah ee loo sameeyay Soomaalida aanan heysan sharciga Mareykanka ayaa ka bilaabaneysa 18-ka bisha Maarso ee sanadkaan 2023-ka, waxayna ku egtahay 17-ka bisha September sanadka soo socoda ee 2024, taasoo la sheegay iney keentay in markale Soomaaliya loo asteeyey inay tahay wadan ay dhibaato ka taagan tahay.

“Mareykanku wuxuu awood u yeelan doonaa inuu gabaad ilaalin ah siiyo Soomaalida. Colaadaha iyo dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee socda, oo ay wehliyaan musiibooyinka dabiiciga ah, cudurrada, saameynta argagixisada, dambiyada, rabshadaha iyo dagaallada u dhexeeya maleeshiyo beeleedyada awgood ma awoodi karaan inay ku laabtaan dalkooda” ayuu yiri xoghayaha Amniga Gudaha dalka Mareykanka Mayorkas.

Talaabadan mudo kordhinta ah ayaa u oggolaanayso ku dhawaad 430 oo qof oo Soomaali ah inay ka faa’iidaystaan oo ay sii joogaan Maraykanka ilaa 17-ka bisha Sebtembar ee sanadka soo socda 2024, haddii ay buuxiiyaan shuruudaha sharcigan oo ay dhawaan shaacin doonto dowladda Mareykanka, isla markaana ay sharraxaad dheeraad ah ka bixin doonto.

SHARE

LEAVE A REPLY