Madaxweyne Xasan Sheekh oo shaaciyay la joogo soo afjarida Al-shabaab

0

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad dheer ka jeediyay munaasabad ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb xarunta Dowlad-Goboleedka Galmudug ayaa xoogga saaray sugidda Amniga, La dagaalanka ‘AS, dagaal beeleedyada, hagaajinta nidaamka Dowladda, Musuqa iyo arrimo kale.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in sababta dagaalka ka dhanka ah ‘AS’ loo dardargelinayo ay tahay ‘In la badbaadiyo Dadka’ si looga hortago beegsiga lagu hayo dadka indheer-garadka ah waa sida uu hadalka u dhigay.

“Nimanka Shabaab la yiraahdo maanta gabagabo ayay marayaan, waxaa lasoo dhaafay maalintii ay dadka ay ku beer laxowsan jireen way noqon doonaan ciidamada Dowladda, ma noqon doonno insha allaah, horay ayaa u wadnaa oo dadka qofkii xukumi lahaa ay doortaan” Ayuu yiri MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud.

Musuqa:

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaciyay in Dowladdu ay ku howlan tahay la xisaabtanka dadka ku dhaqaaqa Musuqa si gacmahooda looga qabto in ay ku qaataan hantida Dadweynaha si dad badan aanay ugu dhiirran arrintaas.

Maxkamadeynta ku socota mas’uuliyiinta loo heysto musuqa ayuu sheegay in aanay keliya dadkaas ku ekaan doonin balse la arki doonno dad kale oo loo maxkameynayo ‘Xatooyada Xoolaha Shacabka’ waa sida uu hadalka u dhigay.
“Ninka Shaqo inta Dowladda siisay federaal ama Dowlad-Goboleed ha ahaatee oo wixii Dowladdaas qadarkeedu ahaa mushaar ahaan u siisay oo qoyskiisa biilan kara inta kasoo tagay ee ku darsaday xoolihii dadka oo daaro ku dhisto, gawaari qurxoon ku iibso, Istanbul apartment ku dhiso raalli kama nihin, ogaalkeenna in la xado xoolaha dadweynaha ma ogolin, maalin weliba waxaa loosii tagayaa lacago & kooxo dheeraad ah” MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud.

“Qoys Soomaali ah ayaa bishii boqol doollaar ku nool, Nin dhowr boqol oo doollar qaato in uu xado Xoolaha Dadweynaha waa cudurka damaaniga la dhaho, Dad waaweyn oo Maxkamadda taagan ayaad arki doontaan, Xushmo maleh, karaamo maleh, waaweyn yahay maleh oo ma weyna Qofkii Xoolaha Masaakiinta xaday” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud mar uu ka hadlay Musuqa iyo dagaalka Dowladda la gashay.

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa faraha la gashay dhageysiga iyo soo bandhigista kiiska la xiriira Musuq lagu eedeeyay in ay sameeyeen mas’uuliyiin katirsan Dowladda Federaalka, waxaana weli baaris ku socotaa xafiisyo iyo shaqsiyaad kale.

SHARE

LEAVE A REPLY