Madaxweyne Xasan Sheekh oo safar deg deg ah ku gaaray Roma

0

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan Magaalada Roma Caasimadda Dalka Talyaaniga ayaa maanta lagu wadaa in uu la kulmo Madaxweynaha Dalkaas Sergio Mattarella & Ra’iisul Wasaare Giorgia Meloni.

Madaxtooyada Soomaaliya oo faah-faahin ka bixisay kulanka Madaxweynaha JFS iyo Madaxda Talyaaniga ay ku ballansan yihiin ayaa sheegtay in diiradda lagu saarayo xoojinta xiriirka labada dhinac, taageerada Roma ee dagaalka ka dhanka ah ‘AS’ & Qodobo kale.

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa martiqaad ka helay Madaxda Talyaaniga gaar ahaan Madaxweyne Sergio Mattarella si ay uga wada hadlaan garab istaagga ay u baahan tahay Dowladda Soomaaliya.

“Madaxweynaha oo marti-qaad ka helay Madxda dalkan ayaa kulammo la qaadan doona dhiggiisa Mudane Sergio Mattarella iyo Ra’iisul Wasaare Giorgia Meloni oo ay ka wada-xaajoonayaan kobcinta iskaashiga labada dal, xaaladda gobolka iyo hirgelinta heshiisyadii ay horey u galeen Soomaaliya iyo Talyaaniga” ayaa lagu yiri qoraalka Villa Somalia.

“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo xambaarsan qorshaha qaran ee dabar-goynta argagixisada Alshabaab ayaa Madaxda Talyaaniga u soo bandhigaya dhinacyada ay danaynayso dowladda Federaalka Soomaaliya in laga caawiyo, si guul dhammeystiran looga gaaro dagaalkan, loona gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed xasilloonida iyo nabadda ay naawilayaan” ayaa qoraalka lasii raaciyay.

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku guuleystay Doorashadii dhacday 15kii May 2022, waxyaabaha uu ballanqaaday waxaa kamid ahaa: Dib u heshiisiinta, xoojinta cilaaqaadka Soomaaliya & dalalka kale ee Caalamka.

SHARE

LEAVE A REPLY