Madaxweyne Xasan Sheekh oo Maanta ku wajahan Dhuusamareeb

0

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Xassan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu maanta oo sabti ah tego magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug, halkaas oo la filayo inuu ka hogaamiyo wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Wafdi hordhac u ah safarka Madaxweyne Xasan ayaa dorraad tegay Dhuusamareeb oo isugu jira senetaro ka tirsan Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka iyo ciidamada ilaalada gaarka ah ee Madaxweynaha.

Agaasimaha hay’adda Sirdoonka Soomaaliya, mahad Maxamed Salaan ayaa horey u tagay caasimadda Galmudug, waxaana haatan magaalada ka socota qaban-qaabada lagu soo dhaweynayo Madaxweynaha iyo wafdigiisa.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Dhuusamareeb kulamo kula qaadan doona Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka, isagoo kala hadli doona howlgalada.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu Dhuusamareeb kaga dhawaaqi doono wejiga labaad ee gulufka ka dhanka ah dagaalamayaasha Al-Shabaab.

SHARE

LEAVE A REPLY