WAR DEG DEG AH: Kooxo Hubeysan oo ganacsade Soomaaliyeed ku dilay Magaalada Beledweyn ee Gobolka Hiiran.

0

Kooxo bistoolado ku hubeysan ayaa caawa gudaha magaalada Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiran waxa ay ku dileen allaha u naxariistee ganacsade Marxuum Farax Mohamed Jimcaale oo kamid ahaa ganacsatada reer Hiiraan.

Ganacsadaha la dilay waxaa dilkiisa fuliyay dhalinyaro gaaraya ilaa 3 kuwaas oo markii ay falkaasi geysteen goobta isaga baxsaday, waxaana goobta uu falka ka dhacay gaaray ciidamo ka tirsan dowlada Soomaaliya kuwaasi oo baaritaano halkaasi ka sameeyay.

Ganacsadaha la dilay oo lagu magacaabi jiray Marxuum Faarax Mohamed Jimcaale ayaa ka ganacsan jiray gawaarida dadweynaha sida ay warbaahinta u sheegeeny qoyskiisa waxaana ay no xaqiijiyeen in aabahood dilka ay u geesteen Kooxda Al shabaab oo ka arimisa qeyba badan oo ka tirsan gobolka Hiiraan iyo Soomaaliya.

ilaa hada si rasmi ah looma oga sababata ka danbeeysay Wiil uu dhalay marxuumka ayaa inoo xaqiijiyay in uu jiray khilaaf ka dhexeeyay Al shabaab iyo Ganacsade Faarax khilaafkaasi oo asal ahaan kasoo bilowday wiil uu adeer u ahaa uu kasoo damiintay xabsiga Al shabaab, kedibna ka baxsaday dalka oo dhan.

‘aabahey Allaha u naxariistee waxa uu ka ganacsan jiray guud ahaan Hiiraan, wiil uu adeer u yahay ayuu damiintay oo uu xabsiga kasoo daayay, wiilkiina dalka wuu ka baxsaday, Kedib Al Shabaab waxa ay u yeereen aabahey oo ay ku amreen in uu xereg yahay isaga, balse aabahey ayaa ka diiday in uu u tago waxa ayna ku dileen gudaha Beledweyn.’ Sidaasi waxaa yiri wiil uu dhalay Ganacsade Farax Mohamed Jimcaale.

SHARE

LEAVE A REPLY