Madaxweyne Xasan Sheekh oo goordhaw gaaray magaalada Jowhar

0

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud  iyo waffi ui hoggaaminaayo ayaa goordhaw ka degay garoonka diyaaradaha magaalada jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay kusoo dhaweeyeen madaxweynaha Hirshabeelle iyo qaar ka mid ah bulshada reer Jowhar.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubnaha wafdigiisa ayaa loo galbiyay madaxtooyada maamulka Hirshabeelle ee magaalada Jowhar, waxaana lagu wadaa in halkaas uu kulan ku dhexmaro madaxweyne Xasan Sheekh iyo madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe.

Ujeedka safarka madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la sheegay iney la xariirto xal u helida khilaafka ka taagan maamulka Hirshabeelle iyo sidii wax looga qaban lahaa dagaal beeleedyada kusoo laablaabtay gobolka Shabeellaha Dhexe.

Waxaa sidoo kale safarka madaxweynaha uu ku tagay magaalada Jowhar ka mid ah dardar galinta wajiga labaad ee howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, iyadoo la filayo in dhawaan uu si rasmi ah u bilaawdo wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Shabaab.

Warar soo baxaya ayaa sidoo kale sheegaya in madaxweyne Xasan Sheekh uu safaro kale ku tagi doono deegaano ka tirsan furimaha hore ee dagaalada ka socdaan ee deegaanada maamulka Galmudug.

SHARE

LEAVE A REPLY